Hargeysa, 24 Janaayo 2026 (Dawan)– Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ku soo laabtay Hargeysa kaddib safar dibadeed oo qarsoodi ah, kaas oo markii dambe la ogaaday inuu ku tegay magaalada Davos ee dalka Switzerland, halkaas oo uu kaga qayb galay Shirka Madasha Dhaqaalaha Adduunka (World Economic Forum – WEF), sida ay xaqiijiyeen ilo rasmi ah.
Ujeedada loo qariyay safarka madaxweynaha ayaa hadal-hayn xooggan ka dhalisay baraha bulshada, inkasta oo uu markii dambe Cirro soo dhigay sawirro barahiisa bulshda, isaga oo aan sheegin halka uu joogo iyo ajandaha safarkiisa.
Falanqeeyayaalka siyaasadda iyo dadka isticmaala baraha bulshada ayaa su’aal geliyay sababta loo qariyay socdaalka iyo ujeedadiisa dhabta ah.
Intii uu ku sugnaa Davos, Cirro wuxuu kulan la yeeshay Madaxweynaha Israa’iil iyo wiilka Trump taas oo dhalisay aragtiyo kala duwan. Dadka qaar ayaa taageero u muujiyay tallaabada uu qaaday Cirro ee ku raadinayo xulufo siyaasadeed halka qaar kale ay ku dhaliileen inuu aqoonsiga Somaliland usoo maro maamul dunida ka takooran.







