Soomaaliya, 6 Febraayo 2026 (Dawan)– Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa maanta oo Jimce ah sheegtay in ciidamadeedu ay burburiyeen dhowr saldhig oo waaweyn oo ay Al-Shabaab ku howlgalayeen, isla markaana ay dileen siddeed xubnood, intii lagu jiray howlgal bartilmaameed ahaa oo laga fuliyay gobolka Jubbada Dhexe.
Howlgalka, oo lagu fuliyay iskaashi lala yeeshay saaxiibada caalamiga ah, ayaa ka dhacay deegaanka Arabow, oo u dhow magaalada Bu’aale ee ay kooxdu gacanta ku hayso.
War-saxaafadeed ka soo baxay NISA ayaa lagu xaqiijiyay in la burburiyay bartilmaameedyo ay ka mid ahaayeen xarun maamul iyo mid siyaasadeed, xarun lagu farsameeyo walxaha qarxa, iyo xero tababar oo loogu talagalay askareynta kooxda. Hay’addu waxay sidoo kale sheegtay in la beegsaday dhisme deegaan ah oo ay adeegsanayeen saraakiil sare oo mas’uul ka ahaa tababarada.





