Waqooyi Bari (Dawan) — Madaxweyne Ku-xigeenka Dawlad-goboleedka Waqooyi Bari, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa shalay si rasmi ah u daah-furay ololaha qaaraan-ururinta gurmadka abaaraha, kaas oo loogu talagalay dadka iyo xoolaha ay saameeyeen abaaraha ka jira deegaannada Waqooyi Bari ee Soomaaliya, isagoo ka digay in xaaladdu gaari karto heer halis ah.
Isagoo khudbad ka jeediyay munaasabadda daah-furka, Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa sheegay in abaartu si ba’an u saameysay nolosha reer-guuraaga, isla markaana ay halis ku tahay dadka iyo duunyada. Wuxuu xusay in haddii roob-la’aantu sii socoto bilaha hore ee sanadka, gaar ahaan bisha labaad, ay xaaladdu sii adkaan doonto, taasoo u baahan diyaargarow degdeg ah iyo qaaraan-ururin ballaaran.
Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa ugu baaqay ganacsatada, qurba-joogta, muxsiniinta iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan gurmadka, isagoo tilmaamay in qurba-joogtu mar walba door muuqda ka qaadan jireen taageerada dadkooda xilliyada adag.
“Maanta waa waqti u baahan isku-duubni; dowlad, shacab, ganacsato, aqoonyahanno iyo qurba-joogba waa in ay si wadajir ah ugu gurmadaan walaalahooda tabaaleysan,” ayuu yiri.





