Soomaaliya, 3 Febraayo 2026 (Dawan)— Abaaraha ba’an ee ku dhuftay Soomaaliya ayaa sababay barakaca ku dhowaad 500,000 oo qof, tan iyo bishii Sebtembar, sida uu sheegay xafiiska Iskuduwaha Arrimaha Bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay (OCHA) maalintii Isniinta, iyadoo ka digtay in xaaladuhu u badan tahay inay ka sii daraan bilaha soo socda.
Qoysaska ayaa ka barakacaya guryahooda iyagoo raadinaya biyo, cunto, iyo daaq loogu talagalay xoolaha, taasoo cadaadis dheeri ah saaraysa goobaha barakaca ee markii horeba ciriiriga ahaa, ayaa tiri OCHA. “Dadku waxay dhammaysteen dhammaan hababkii ay kula tacaali lahaayeen nolosha xilli ay abaartu sii qoto dheeraanayso, baahiduna waxay u kordhaysaa si ka dhakhsiyo badan gurmadka jira,” ayay tiri hay’adda OCHA.
OCHA waxa ay intaas ku dartay, in ka badan 4.6 milyan oo qof — ku dhowaad afartii qof ee Soomaaliyeedba mid ka mid ah — ayaa ay saameysay abaartu, iyadoo gobollada dhexe ee Galgaduud iyo Mudug ay ka mid yihiin meelaha ay saamaynta ugu xumayd.
Abaartu waxay sidoo kale carqaladaysay waxbarashada, iyadoo ugu yaraan 150 dugsi oo ku yaalla gobollada waqooyiga ay xirmeen ama ay la kulmeen hoos u dhac weyn oo ku yimid imaatinka ardayda, taasoo keentay in in ka badan 45,000 oo arday ay xaadiri waayaan fasallada.







