Nairobi(Dawan) - Kadib banaanbaxyo rabshado watay oo dhacay labo toddobaad ka hor, Kenyanku hadda waxay isu diyaarinayaan dibadbaxyo cusub oo Saba Saba ah oo lagaga soo horjeedo xukuumadda Madaxweyne William Ruto.
Qaar badan oo kamid ah iskuulada ayaa lagu wargeliyay in ay xiran doonaan Isniinta 7-da Luulyo 2025, si carruurta guryaha ugu sugaadaan iyadoo cabdi laga qabo qabo dibadbaxyo waa weyn.
Saba Saba – oo macnaheedu yahay “Toddoba Toddoba” af-Sawaaxili – waa mid kamid ah maalmaha ugu muhiimka badan taariikhda dimoqraadiyadda Kenya. Waxaa la xusaa 7-da Luulyo sanad kasta si loo xusuusto kacdoonkii shacabka ee dhacay 1990, kaasoo horseeday in Kenya ka gudubto nidaam hal xisbi oo kaliya ah una gudubto dimuqraadiyad xisbiyo badan.
Waa Maxay Saba Saba?
Saba Saba waxay tilmaamaysaa maalintii 7-da Luulyo, 1990, oo ay mudaharaadyo ballaaran ka dhaceen guud ahaan Kenya. Banaanbaxyadaas oo ay hoggaaminayeen siyaasiyiin iyo bulshada rayidka ah ayaa sababay in la bilaabo isbeddello siyaasadeed oo horseeday nidaam dimoqraadi ah.
Asalka Taariikhiga ah
Sanadkii 1990, Kenya waxay ahayd dal xisbiga keliya ah, waxaana xukumayay xisbiga KANU oo uu hoggaaminayay Madaxweyne Daniel arap Moi tan iyo 1978. In kasta oo mucaaradku jiray xilligii hore, haddana 1982 waxaa lagu sameeyay wax ka beddel Dastuurka, kaasoo si rasmi ah dalka uga dhigay hal xisbi.
Muxuu dhigayey xukunka Moi ee halka Xisbi:
7-da Luulyo 1990: Banaanbaxyadii Saba Saba
Hoggaamiyayaal isbeddel-doon ah sida Kenneth Matiba, Charles Rubia, iyo Raila Odinga ayaa ku baaqay mudaharaad weyn oo lagu dalbanayo:
Dhacdooyinkii Ugu Muhiimsanaa:
Inkasta oo la wajahayo cadaadis xoog leh, kacdoonka Saba Saba wuxuu muujiyay sida shacabka Kenya uga daaleen nidaamka kali-taliska ah.



