Muqdisho (Dawan)- Difaaca dastuurku ma aha arrin xisbi ama dood farsamo. Waa doorasho qaran oo go’aamisa jihada dalku aadayo: in dawladdu ku tiirsanaato sharci, oggolaansho iyo wadatashi, ama ay u leexato cabburin, kelitalisnimo siyaasadeed iyo awood ku dhisan qasab. Soomaaliya doorashada maanta waa mid masiiri ah, ee ma aha mid muufaysi iyo maalin ku mood ah.
Subaxnimadii Sabtida, 7-dii Febraayo 2026, aniga oo u socda Baarlamaanka, waxaan si toos ah u arkay qalalaasaha siyaasadeed ee dalka ka taagan. Waxaan soo maray bar-kontoroollo ay joogeen booliis, ciidan milatari iyo ilaalada madaxtooyada. Xildhibaanmada laguma kala saarayn sharciga ama habraaca Baarlamaanka, balse waxa lagu kala reebayay daacadnimo siyaasadeed. Markii aan soo galay gudaha xarunta Baarlamaanka xaaladdu way sii xumaatay. Xuquuqda hadalka kuma xirnayn xeerarka golaha, balse waxay ku xirnayd cidda taageersan taliska xukunka haya. Xildhibaanno keenay su’aalo habraac ku saabsan ama cabasho muujiyay waxa loogu hanjabay ganaax iyo ka saarid golaha ah. Aniga ruuxayguna muddo ku dhow labo saacadood waxaan si toos ah u hor istaagnaa ciidamo amni oo Baarlamaanka la soo dhoobay.
Tani ma ahayn nidaam Baarlamaan, ee waxay ahayd cabburin iyo hanjabaad ka dhan xildhibaannada.
Dhacdooyinkani ma aha kuwo gooni u taagan. Waxay ka tarjumayaan hannaan ballaaran oo lagu beddelayo dastuurka, cabsi gelin, ballanqaadyo siyaasadeed, laaluush, halkii laga mari lahaa sharci, wadaxaajood iyo oggolaansho qaran. Habkan ma muujinayo kalsooni ku dhisan dib-u- eegis dastuuri ah, waxa uu se muujinayaa fulaynimo siyaasadeed, awood maroorsi iyo iskudday kelitalisnimo.
Ma aha oo keli ah in ay ku niyad jebinayso habdhaqanka gurracan ee dastuurka lagu beddelayo, ee waxaa taas ka sii daran burburka akhlaaqeed ee taliska Madaxweyne Xasan Sheekh ku kacayo.
Qofka kasta oo aad la sheekaysato kuma niyadsama sida ay wax u socdaan, haddana qof walba waxa uu u afduuban yahay aamusnaan looga iibsaday xil uu haatan hayo, xoolo, tolnimo saaxibtinnimo ama ballanqaad xildhibaan soo socda.
Soomaaliya hore waxay u soo martay taariikh ay astaan u ahayd awood dhexe oo ku urursan gacanta shakhsiyaad kooban. Waxay ahayd cutub in xasuuswadareedkeenna bulsho laga masaxo, ee ma ahayn in dib na loo xasuusiyo. Sababta oo ah mustaqbalka dalka laguma dhisi karo ku celcelinta waxyaabihii keenay qaranjabka iyo burburka. Balse waxa lagu dhisi karaa nidaam cusub oo federaal ah, dimuqraaddi ah, kaas oo ku dhisan; sharciyad, islaxisaabtan, hay'ado dawladeed oo kala madaxbannaan iyo oggolaansho dadweyne.
Mawqifkaygu ma aha mid aragti ku kooban, ee waa mid ku salaysan waayo'aragnimo camali ah iyo qiime shakhsiyadeed oo aan bixiyey. Sannadkii 2017 waxa la soo weeraray gurigayga, waxa la dilay shan askari oo ka tirsanaa ilaaladayda, anigana waa la i dhaawacay ka dibna waa la i xiray. Sannadkii 2021, aniga iyo hoggaamiyayaal kale oo bannaanbax nabadeed samaynayna ayaa rasaas nool na loo adeegsaday. Sannado badan waxaan wajahayey hanjabaad, dil, iskudayo la igu aamusinayo, xilal iyo hanti dhaqaale. Arrimahaas oo dhami ima aysan niyadjabin, balse waxay ii caddeeyeen waajibkaygii ahaa in aan difaaco dastuur, dimuqraaddiyad, iyo nidaam dawladnimo oo sharci ku dhisan, taas oo ilaa maanta aan ku taagnahay. Isma beddelin.




