Muqdisho (Dawan)- Maxamed Xasan Maxamed, oo ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka ee Soomaaliya, ayaa si gaar ah uga duwan mas’uuliyiinta kale ee dowladda, isagoo shacabka si toos ah ugu soo gudbiya howlmaalmeedkiisa iyo dhacdooyinka ka socda goobaha shaqada, halkii uu ka koobnaan lahaa oo keliya warsaxaafadeedka rasmiga ah.
Xildhibaan Maxamed ayaa sheegay in habkani uu ka dhashay kalsoonida uu ku qabo naftiisa iyo rabitaanka in dadka la siiyo xogta dhabta ah ee waqtiga ku habboon.
"Marwalba waxaad daneyneyso iyo shacabka sidaad wax ugu gudbineyso... waa hab caadi ah oo dadka wax loogu soo gudbiyo," ayuu yiri xildhibaanku. Waxa uu intaa ku daray: "Waxaan u tebiyaa shacabka shaqada aan hayo waa kalsooni aan isku qabo."
Habkan tooska ah ee uu u wado gudbinta xogta ayaa dhalisay falcelinno kala duwan iyo hadal heyn badan. Xildhibaan Maxamed ayaa sheegay inuu la kulmay dhaliilo kala duwan oo ay ku jiraan fariimo gaar ah oo wasiirro ay u soo direen, hase yeeshee taasi aysan ka horjoogsan inuu sii wato howlaha uu bulshada u hayo.
Habdhaqnkan ayaa ugu dambayn gaarsiiyay sida uu sheegay inuu bogaadin ka helo Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda oo Golihiisa wasiirrada ku amray in loo sacbiyo howlaha uu wado xildhibaanku.







