Jigjiga, 10 Febraayo 2026 (Dawan) — Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay, 29 kalena way ku dhaawacmeen, kaddib shil gaari oo Isniintii ka dhacay deegaanka Xoodhlay ee duleedka magaalada Jigjiga, sida uu sheegay booliska Dowlad Deegaanka Soomaalida.
Booliska Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) ayaa bayaan uu soo saaray ku xaqiijiyay dhimashada iyo dhaawaca, isagoo xusay in dadka ku dhaawacmay loo qaaday Isbitaalka Guud ee Sheekh Xasan Yabaare si loogu fidiyo daryeel caafimaad.
Saraakiisha booliska ayaa sheegay inay bilaabeen baaritaan ku saabsan duruufaha shilka, si loo ogaado sababta rasmiga ah ee keentay.







