Addis Ababa (Dawan ) — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si guul leh u fulisay olole diblomaasiyadeed oo qorsheysan si ay ugu fadhiisato kursiga Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika, iyadoo adeegsatay wada-hadallo toos ah, olole heer sare ah, iyo xiriir diblomaasiyadeed oo joogto ah oo ay la yeelatay dalalka xubnaha ka ah ururka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay, oo marti ku ahaa barnaamijka Miizaan Podcast ee Dawan Media, ayaa sheegay in dalal badan oo Bariga Afrika ah lagu qanciyay in aysan markan tartamin, si Soomaaliya ay markii ugu horreysay ugu fariisato kursiga. Wuxuu intaa ku daray in olole joogto ah oo lagu raadinayo codadka dalalka Afrika uu qayb ka ahaa kulamadii uu la yeeshay wasiirrada arrimaha dibadda ee qaaradda.
“Dhowr iyo labaatan sano ayuu golahani jiray, welina kuma aanan fadhiisan, halka dalalka dariska nala ah ay marar badan kusoo laabteen,” ayuu yiri Wasiirku, isagoo sharaxay in ololaha uu ku bilowday muujinta daneynta Soomaaliya ee ka-qaybgalka golaha, kaddibna uu isu beddelay kaambayn diblomaasiyadeed, wada-xaajood iyo tanaasul siyaasadeed si loo helo taageero ballaaran.
Ololaha ayaa diiradda saaray xaqa ay Soomaaliya u leedahay in ay u tartanto kursiga, maadaama doorashada golahan ay dhacdo laba-sano kasta, isla markaana dal kasta oo aan kursiga hayn uu xaq u leeyahay ka-qaybgalka tartanka. Wasiirku wuxuu xusay in Soomaaliya muddo dheer ka maqneyd golahan, halka dalal kale oo gobolka ah ay marar badan dib ugu soo laabteen.







