Soomaaliya, 9 Febraayo 2026 (Dawan)– Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah soo dhoweysay go’aanka Suudaan ee ay dib ugu soo laabatay ka qaybgalkeeda buuxa ee Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD), iyadoo tallaabadaas ku tilmaamtay mid kor u qaadaysa xasiloonida iyo iskaashiga gobolka Geeska Afrika.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in go'aanka Suudaan oo ka tarjumayo mabaadi’da iyo iskaashiga gobolka oo aasaas u ah nabadda iyo amniga caalamiga ah. Suudaan, oo ka mid ah siddeedda waddan ee aas-aasay ururkaan, ayaa horay u joojisay ka qaybgalkeeda xilli ay jireen colaado gudaha ah iyo xiisado diblomaasiyadeed.
"Soomaaliya waxay u aragtaa soo laabashada Suudaan horumar tamar cusub gelinaya shaqada IGAD," ayay tiri wasaaraddu, iyadoo xustay muhiimadda taariikheed iyo tan juqraafi ee Suudaan ay u leedahay ururka.







