Soomaaliya (Dawan) – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, iyo Wasiirka Wasaaradda Tacliinta Sare iyo Cilmi-baarista ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Nabiil Maxamed Axmed, ayaa maanta si rasmi ah u kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dal ee dhinacyada tacliinta sare iyo cilmi-baarista. Heshiiskan ayaa lagu saxiixay magaalada Muqdisho.
" Heshiiskan oo maanta lagu saxiixay Magaalada Muqdisho, ayaa ujeeddadiisu tahay in ladhiso hannaan rasmi ah oo fududeynaya isweydaarsiga tacliimeed iyo cilmiyeed ee u dhexeeya jaamacadaha iyo hay’adaha tacliinta sare ee labada dal" ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya
Wasaaraddu waxay intaas raacisay in heshiisku ka kooban yahay barnaamijyo lagu taageerayo tababarrada, is-weydaarsiga ardayda, macallimiinta jaamacadaha iyo cilmi-baarayaasha, iyo sidoo kale qabsoomidda shirar iyo aqoon-is-weydaarsiyo wadajir ah.





