Muqdisho (Dawan) – Mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Arbacadii ku kulmay Muqdisho si ay uga wada hadlaan amniga qaranka iyo iyo iskaashiga u dhexeeya , sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay AUSSOM.
Kulanka saddex-geesoodka ah oo ka dhacay madaxtooyada Villa Somalia waxaa ka qaybgalay Safiir El Hadji Ibrahima Diene, madaxa Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM); James Swan, Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay; La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya Aweys Xaaji Yuusuf Axmed; iyo Qurat-ul-Ain Sadozai, madaxa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).
Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay AUSSOM, wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga istaraatiijiyadeed ee ka dhexeeya hay’adaha caalamiga ah iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo qodobadii ka soo baxay kulanka aan weli la shaacin.







