Riyaad (Dawan) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo hogaaminaya wafdi ka socda dowladda Soomaaliya, ayaa maanta ka qaybgalay furitaanka Bandhigga Difaaca Adduunka ee 2026, kaas oo ka furmay magaalada Riyaad, Sacuudi Carabiya. Bandhiggan, oo ah kii saddexaad ee noociisa, waxaa ka qaybgalaya wufuud caalami ah iyo shirkado ku takhasusay warshadaha difaaca iyo amniga.
Axmed Macallin Fiqi iyo wafdigiisa ayaa la filayaa in ay saxiixaan heshiis difaac oo dhexmaraya Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya, kaas oo looga golleeyahay xoojinta iskaashiga difaaca labada dal iyo is-weydaarsiga khibradaha ee dhinacyada amniga iyo difaaca.
"Inta uu Wasiirku ku sugan yahay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, waxa uu saxiixi doonaa heshiis difaac oo u dhexeeya labada dal" ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga.





