Muqdisho (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay weerarradii dhawaan ay fuliyeen Ciidamada Gurmadka Degdegga ah ee Suudaan (RSF – Rapid Support Forces), kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday xarumo rayid ah iyo kolonyo gargaar oo ay leedahay Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) kana dhacay gobollada Kordofaan ee Waqooyiga iyo Koonfurta Suudaan.
Weerarradan, oo sababay khasaare naf iyo maalba leh, ayaa dhaliyay walaac ballaaran oo caalami ah, maadaama ay si toos ah u saameeyeen gargaar bani’aadantinimo oo loogu talagalay rayid dhibaateysan.
War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weerarradaasi ay yihiin xad-gudub cad oo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo ilaalinta gargaarka.
“Soomaaliya waxay caddeyneysaa in falalkan ay yihiin xad-gudubyo aad u culus oo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo qawaaniinta la xiriira ilaalinta rayidka,” ayaa lagu yiri bayaanka.
6-dii Febraayo 2026, diyaarad nuuca aan duuliyaha lahayn oo ay leedahay kooxda RSF ayaa lagu weeraray kolonyo gargaar bani’aadantinimo iyo baabuur xamuul ah oo siday cunto iyo shidaal, kuwaas oo ku sii jeeday gobolka Waqooyiga Kordofan, sida ay xaqiijisay warbaahinta Sudan Tribune.







