Muqdisho (Dawan) — Maanta waxaa si rasmi ah looga daahfuray magaalada Muqdisho Kulanka Furitaanka Guddiga Difaaca Qaranka, iyadoo goob-joog ka ahaayeen mas’uuliyiin sarre oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wakiillada Beesha caalamka. Kulankan waxaa daahfuray Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, waxaana looga hadlay xoojinta maamulka difaaca, isku-duwidda hay’adaha amniga, iyo mideynta hawlgallada iyo dib-u-habaynta ciidanka dalka.
Fiqi oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in Guddiga Difaacu uu muhiimad weyn u leeyahay hagidda jihada istaraatiijiga ah ee difaaca dalka, isagoo hoosta ka xariiqay in madashu noqon doonto meel lagu mideeyo yoolalka hawlgallada, dib-u-habaynta hay’adaha amniga, iyo go’aannada hoggaamineed ee heer qaran.
Wasiirku wuxuu intaa ku daray in guddigan uu ka shaqeyn doono sidii loo xaqiijin lahaa nidaam difaac oo isku-dhafan, hufan, isla markaana waafaqsan istaraatiijiyadda qaranka.





