Muqdisho (Dawan)- Hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa digniin culus u dirtay shirkadaha diyaaradaha ee Ethiopian Airlines iyo Fly Dubai kuwaas oo ka mid ah diyaaradaha dullimaadyada ku yimaada magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa.
Hay'adda ayaa ku eedeysay shirkadahan inay xadgudub ku sameeyeen madaxbannaanida Soomaaliya marka ay macaamiishooda la wadaagayaan halka ay ku socdaan, iyaga oo aan xusin magaca dalka kuna kooba oo kaliya magaalooyinka.
Digniinta loo diray Ethiopian Airlines, ayaa lagu sheegay in shirkaddaasi ay ka leexatay hab dhaqankii saxda ahaa ee ku saabsanaa magaca Soomaaliya. Hay’adda waxay sheegtay in Ethiopian Airlines ay sameysay isbeddelo ay meesha uga saartay magaca Soomaaliya iyada oo kaliya adeegsaneysa magaca magaalooyinka halki ay ku dari laheyd magaca Soomaaliya.
Hay'adda ayaa si cad u sheegtay in haddii arrintan aan la xallin ilaa 23-ka Agoosto 2024, in ay hakin doonaan duulimaadyada Ethiopian Airlines ee Soomaaliya.
Shirkadda Ethiopian Airlines ayaa ku xusta website-keeda magacayada magaalooyinka iyo dalalkooda marka laga reebo Soomaaliya.
Digniinta kale ee loo diray Fly Dubai, ayaa lagu xusay in shirkaddaasi ay sameysay qaladaad la xiriira metelaadda saxda ah ee Soomaaliya, waxaana loogu baaqay baaqday inay si sax ah u raaciso magaalooyinka magaca Soomaaliya dhammaan adeegyadeeda.






