Nairobi (Dawan)- Soomaaliya ayaa ku baaqday in la iswaafajiyo taageerada deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah iyo mudnaanta qaranka ee caafimaadka, si loo sii wado horumarka laga gaaray caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, loona xoojiyo nidaamka caafimaadka dalka.
Baaqan ayaa ka soo baxay shir ku saabsan maalgelinta caafimaadka oo Isniintii lagu soo gabagabeeyay magaalada Nairobi, kaas oo ay ka qeybgaleen wasiiro ka socday dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, mas’uuliyiin sare oo ka tirsan hay’adaha dowladda, iyo bah-wadaagta horumarineed, si looga wada hadlo maalgelin waarta, hoggaan dowladeed iyo isku-duwid la nidaamiyay oo ku saabsan waaxda caafimaadka.
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Cali Xaaji Aadam, ayaa sheegay in loo baahan yahay in taageerada deeq-bixiyeyaasha lagu hago qaab-dhismeed ay hoggaaminayso dowladda, si loo xaqiijiyo isla xisaabtan, hufnaan iyo saameyn waarta. Waxa uu xusay in iswaafajinta qorsheyaasha caafimaadka iyo maalgelinta caalamiga ah ay muhiim u tahay dhismaha nidaam caafimaad oo adkeysi leh.
Dhankiisa, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Guuleed Cabdijaliil, ayaa sheegay in shirkan uu ku soo beegmay xilli ay hoos u dhacday maalgelinta caalamiga ah ee ku wajahan caafimaadka Soomaaliya, taas oo ka dhigeysa mid lama huraan ah in la mideeyo dadaallada deeq-bixiyeyaasha, heerarka kala duwan ee dowladda iyo hay’adaha horumarineed.





