Soomaaliya, 2 Febraayo 2026 (Dawan)— Warbaahinta Qaranka Soomaaliya ayaa baahisay warbixin ku saabsan in gacanta lagu dhigay Cabdifataax Axmed Cabdi (Godane), oo ah 20-jir laguna sheegay inuu dhalay hoggaamiyihii la dilay ee Al-Shabaab, Axmed Cabdi Godane.
Sida lagu sheegay warbixin uu diyaariyey Telefishinka Qaranka (SNTV) oo la baahiyey maanta oo Isniin ah, Cabdifataax ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho ka dib markii ciidamada amnigu ay ka daba tageen falal la xiriira amni-darro iyo tuugnimo, kuwaas oo laga duubay kaamirooyinka qarsoon ee CCTV-ga.
Warbixinta dowladda ayaa xustay in wiilka uu dhalay ninkii ugu awoodda badnaa Al-Shabaab uu ku noolaa nolol adag, isagoo markii dambe noqday darbi-jiif ku dhuumaalaysta gudaha caasimadda. Waxaa la sheegay inuu kasoo kicitimay magaalada Hargeysa, halkaas oo uu ka haray waxbarashadii iskuulka Al-Khayr, kadibna soo maray magaalooyinka Baydhabo, ilaa uu ka soo degay xaafadda Baar-ubax ee Muqdisho.
Cabdifataax iyo saaxiibkiis, Faysal Xaashi Jaamac, ayaa gacanta lagu dhigay ka dib markii lagu eedeeyay inay falal dhac ah u geysteen gabar dhalinyaro ah, iyagoo ka dafay taleefankeeda gaarka ah. Baaritaan ay sameeyeen ciidamada amniga ayaa lagu ogaaday in labadan dhalinyaro ah ay ku jireen raad-raaca kooxaha isticmaala daroogada iyo dawooyinka is-mudiidda ah.





