Muqdisho (Dawan)- Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa maanta oo Talaadado ah si rasmi ah u shaaciyay in uu bixiyay shatiyadii ugu horreeyay ee shirkadaha bixiya adeegga caymiska Islaamiga ah ee Takaful, kaddib ansixintii Sharciga Caymiska Takaful bishii Maajo 2025, tallaabadaas oo lagu tilmaamay mid muhiim u ah nidaaminta iyo casriyeynta sector-ka caymiska dalka.
Bankiga ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in afar shirkadood oo buuxiyay shuruudihii sharci iyo farsamo ee loo dejiyay ruqsad-siinta lagu wareejiyay shatiyo rasmi ah. Shirkadahaas ayaa kala ah: First Somali Takaful Insurance LTD, Amanah Insurance LTD, Baraka Takaful Insurance LTD, iyo Salmastar Insurance.
"Guddiga Sare ee Maamulka Bankiga Dhexe ayaa kulankiisii caadiga ahaa ee qabsoomay 24ka Janaayo 2026, waxa uu ku ansixiyay codsiyada shati-siinta afar (4) shirkadood oo buuxiyey shuruudaha ruqsad-siinta adeegga caymiska" ayaa lagu yiri, bayaan kasoo baxay Bankiga
Bayaanka ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay ujeedadeedu tahay xoojinta kormeerka iyo nidaaminta adeegga Takaful, hubinta in uu waafaqsan yahay mabaadi’da Shareecada Islaamka, hirgelinta hannaan casri ah oo lagu maareeyo khataraha, iyo ballaarinta helitaanka adeegyo caymis oo hal-abuurnimo leh, si kor loogu qaado kalsoonida macaamiisha iyo maalgashadayaasha.







