Muqdisho (Dawan) — Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay, ayaa sheegay inaysan jirin wax iska hor imaad ah oo ka dhex imaan kara ciidamada kala duwan ee ka tirsan howlgalka AUSSOM, isagoo ku adkeystay in howlgalkan ku shaqeynayo hannaan mideysan oo hoos yimaada Midowga Afrika.
Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay barnaamijka Miizaan Podcast ee Dawan Media, isagoo sharaxay in howlgalka AUSSOM uu yahay hal howlgal oo leh hoggaan, waajibaad (mandate), iyo habraac cad oo ay dejisay Midowga Afrika.
“Howlgalka waxaa hoggaaminaya Midowga Afrika, wuxuuna leeyahay mandate iyo nidaam la raaco. Ma aha ciidamo kala madax-bannaan oo mid walba si gooni ah u shaqeynaya,” ayuu yiri Wasiirku.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa xusay in dhammaan ciidamada ku sugan Soomaaliya ee ka tirsan AUSSOM ay ka yimaadeen dalal Afrikaan ah, isla markaana ay wadaagaan mabaadi’da, shuruucda, iyo go’aannada Midowga Afrika, taas oo meesha ka saaraysa suurtagalnimada isku dhac dhexmara ciidamadaasi.







