Soomaaliya, 16 Febraayo 2026 (Dawan) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah toogasho kula fulisay labo xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, ka dib markii lagu helay dembiyo la xiriira dilal iyo qaraxyo lala beegsaday dad rayid ah.
Labada nin ee lagu fuliyey xukunka waxaa lagu kala sheegay magacyadooda Xasan Cali Iftin Buule (loo yaqaan Gacmey) iyo Xasan Cali Ibraahim Maxamed Axmed, kuwaas oo labaduba lala xiriiriyay weeraro ay Al-Shabaab ka fuliyeen Muqdisho, kuwaas oo sababay dhimashada muwaadiniin rayid ah.





