Muqdisho (Dawan)- Safaaradda Talyaaniga ee magaalada Nairobi ayaa barteeda Twitter-ka ku shaacisay in la hakiyay bixinta fiisaha Schengen ee dhammaan codsiyadii ay soo gudbisay safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho.
Go’aankan oo si degdeg ah u dhaqan galay ayaa saameyn ku yeelanaya muwaadiniinta Soomaaliyeed oo markii hore ku tiirsanaa safaaradda Muqdisho si ay u helaan dal ku galka Schengen ee ay ku tegi jireen Talyaaniga iyo dalalka kale.
Qoraalka lagu baahiyay barta ay safaarddu ku leedahy Twitter-ka ayaa u qornaa sidan: “Fadlan lasoco in safaaradda Talyaaniga ee Nairobi ay si degdeg ah u joojisay bixinta dal-ku-galka ee Schengen ee dhammaan codsiyada ay qabato safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho, wixii faahfaahin ah fadlan kala xidhiidh safaaradda Talyaaniga ee Nairobi."
Talyaaniga ayaa ahaa dalka kaliya ee Yurub ah oo muwaadiniinta Soomaaliyeed u ogolaaday inay si toos ah Muqdisho uga dalbadaan fiisaha Schengen. Hakintan ayaa noqon doonta caqabad weyn oo soo food saartay ardayda, ganacsata iyo qoysaska booqanaya Yurub.
Dal-ku-galka Schengen waxa ay fududeynaysay isu-socodka 27 waddan oo Yurub ah, doorka Talyaanigu ku leeyahay bixinta adeeggan ayaa muhiim u ahaa muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed.





