Ankara (Dawan)- Dhowr markab oo nuuca dagaalka ah oo ay leeyihiin Ciidanka Badda Turkiga ayaa la filayaa inay soo gaaraan Soomaaliya 11-ka Febraayo, si ay u sugaan amniga hawlgallada baarista shidaalka ee badda, isla markaana ay u bixiyaan taageero dhinaca saadka ah, sida ay Khamiistii ku dhawaaqday Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga.
Tallaabadan ayaa daba socota kadib markii Baarlamaanka Turkiga uu cod aqlabiyad leh ku ansixiyay kordhinta muddada hawlgalka ciidanka badda Turkiga ee ku sugan xeebaha Soomaaliya.
Maraakiibta ayaa gaaraya saddex markab, kuwaas oo kala ah TCG Gökova, TCG Bafra, iyo markabka xambaara ciidanka ee TCG Sancaktar.
Maraakiibtan ayaa loo xilsaaray difaaca markabka qodista shidaalka ee Çağrı Bey, kaas oo hadda ka wada baaritaanno iyo cilmi-baaris dhinaca shidaalka ah aagga badda ee Soomaaliya.
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga, Zeki Aktürk, ayaa sheegay in hawlgalkan uu taageeri doono Taliska Hawlgalka Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Turkiga inta lagu guda jiro hawlgallada ka socda Gacanka Cadmeed, Badda Carabta, iyo xeebaha Soomaaliya, ilaa 25-ka Febraayo.







