Muqdisho (Dawan)– Dowladda Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday £6 milyan oo gargaar bini’aadanimo cusub ah, kaas oo loogu talagalay dadka ay abaartu saameysay, sida ay shaacisay safaaradda Muqdisho.
Ku dhawaaqistan ayaa timid kaddiib markii ay booqasho rasmi ah ku timid Muqdisho Wasiiru-dowlaha UK u qaabilsan Horumarinta Caalamiga ah iyo Afrika, Baroness Jennifer Chapman.
Iyadoo ka hadleysay booqasho ay ku tagtay bakhaar ay leedahay Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP), Baroness Chapman ayaa sheegtay in lacagtan cusub ay u sahli doonto bulshada Soomaaliyeed ee aadka u nugul inay helaan gargaar naf-badbaadin ah, oo ay ku jiraan taageero nafaqo, adeegyo daryeel caafimaad, iyo kaalmo lacageed oo degdeg ah.
“Waxaan sii wadi doonnaa inaan la shaqeyno Dowladda Federaalka Soomaaliya si aan gacan uga geysanno dhisidda u-adkeysiga cimilada iyo ka jawaabista baahiyaha degdegga ah,” ayay tiri.
Safaaradda Britain ee Muqdisho ayaa xaqiijisay in £6 milyan ay taageeri doonto in ka badan 129,000 oo qof. Lacagtan ayaa qeyb ka ah qoondada ballaaran ee £61 milyan ee sanad-maaliyadeedka 2025/2026, taas oo loogu talagalay wax ka qabashada baahiyaha bini’aadanimo ee degdegga ah iyo caqabadaha muddada dheer ee la xiriira nuglaanshaha cimilada.







