Addis Ababa (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Arbacadii magaalada Addis Ababa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga, Amiir Faysal bin Farxaan Aal Sacuud, si ay uga wada hadlaan arrimaha laba geesoodka ah gobolka iyo caalamka.
Booqashadan ayaa ku soo beegantay xilli ay xiisado iyo isbedello siyaasadeed isa soo tarayan oo ka taagan Geeska Afrika.
Abiy Axmed ayaa sheegay in wada-hadalladu diiradda saareen xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya labada dal, ballaarinta iskaashiga dhinacyada muhiimka ah, iyo kor u qaadista isku-duwidda mowqifyada la xiriira arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee danaha wadajirka ah leh.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa iyaduna xaqiijisay in wasiirku kala hadlay Abiy horumarradii ugu dambeeyay ee xaaladda gobolka, si loo xoojiyo amniga iyo xasilloonida.
Horraantii bishan Febraayo, Amiir Faysal ayaa magaalada Riyadh ku qaabilay dhiggiisa Itoobiya, Gideon Timothewos, halkaas oo ay kaga wada hadleen xaaladaha ka taagan Geeska Afrika iyo Badda Cas—oo loo arko laba jiho oo si toos ah u saameeya amniga iyo isu-socodka ganacsiga gobolka.







