Jigjiga (Dawan)- Dawlad Deegaanka Soomaalida ayaa bilaawday dhismaha xarun cusub oo cadaaladda ah oo laga hirgelinayo magaalada Jigjiga. Mashruucan ayaa ku kacaya in ka badan 222 milyan oo birr (qiyaastii $1.43 milyan), waxaana si buuxda loogy maalgeliyay miisaaniyadda deegaanka, sida ay sheegtay warbaahinta DDS.
Tallaabadani ayaa lagu sheegay inay muujinayso sida dowladda uga go’an tahay casriyeynta kaabayaasha sharciga, iyada oo aan ku tiirsanayn kaalmo dhaqaale oo dibadda ah.
Madaxweynaha Deegaanka, Mustafe Maxamed Cumar, ayaa hoggaamiyay xafladda dhagax-dhigga Jimcihii, waxaana weheliyay Wasiirka Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha, Axmed Shugri, iyo Wasiirka Cadaaladda, Maxamed Naaji Maxamed.
Mashruucan, oo ah dhismo toddoba dabaq ah , waxaa maamuli doona Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha ee DDS, waxaana la filayaa inuu mideeyo howlaha sharciga, isagoo sidoo kale noqon doona xarun casri ah oo waaxda cadaaladda ee gobolka ah.







