Masar, 8 Febraayo 2026 (Dawan)– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay oo Sabti ah gaaray magaalada Qaahira, halkaas oo uu ku tegay booqasho rasmi ah oo heer qaran ah, sida ay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya.
Madaxtooyadu waxay intaas ku dartay in Xasan Sheekh Maxamuud uu wada-hadallo heer sare ah la yeelan doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Cabdifataax Al-Sisi.
Wada-hadallada labada hoggaamiye ayaa la filayaa inay diiradda saaraan xoojinta iskaashiga laba-geesoodka ah, arrimaha amniga gobolka, iyo ilaalinta marinada ganacsiga ee muhiimka u ah dhaqaalaha caalamiga ah.





