Muqdisho (Dawan)- Diyaargarow xooggan iyo buuq laga cabsi qabo ayaa hareeyay kulanka Golaha Shacabka ee maanta. Xildhibaanno mucaarad ah oo isa soo abaabulay lana baxay “Guutada Saddexaad” ayaa hoggaaminaya hal dhinac, halka dhinaca kale ay ka taagan yihiin guddoonka Golaha iyo ciidamo booliis ah oo wada socda. Inkasta oo xaaladdu kacsan tahay, haddana waxaa la rumeysan yahay in aanu jiri doonin dagaal hubeysan.
Kulanka maanta ee Golaha Shacabka ayaa laga cabsi qabaa in uu buuq ka dhaco, si la mid ah labadii kulan ee hore. Xildhibaanno dhowr ah oo ka tirsan laba Gole oo hore looga ganaaxay ka qeybgalka fadhiyada Golaha, ayaa sameystay koox ay u bixiyeen “Guutada Saddexaad”. Xildhibaannadan oo ku hubeysan taleefanno casri ah iyo qalab duubis ah, si ay u baahiyaan waxa ka dhacaya gudaha hoolka, ayaa saaka goor hore tagay xarunta Baarlamaanka ee kulanku ka dhacayo.
Muuqaallo horudhac ah oo ay soo duubeen qaar ka mid ah xildhibaannada mucaaradka ayaa muujinaya ciidamo booliis ah oo si buuxda ugu diyaarsan gudaha iyo hareeraha xarunta Baarlamaanka.







