Muqdisho (Dawan)- Midowga Yurub ayaa soo dhoweeyay go’aanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee ka qeybgalka madasha la-tashiga qaran ee la qorsheeyay 1-da Febraayo, waxa uuna tallaabadaas ku tilmaamay mid togan oo wax ku ool ah, kana tarjumaysa rabitaan lagu xoojinayo xasilloonida siyaasadeed ee dalka.
Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa Isniintii bogaadisay aqballaadda golaha ee casuumaadda uu diray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaddib kulankii ugu dambeeyay ee xubnaha mucaaradka, iyada oo barteeda X kusoo qortay “Tani waa calaamad togan oo wax ku ool ah. Waxa hadda loo baahan yahay waa jawi ku habboon wadahadal miro-dhal ah,” .





