Jowhar (Dawan) –Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka Soomaaliya (NIRA) , ayaa si rasmi ah xarigga uga jartay xafiis cusub oo laga hirgeliyay dowlad-goboleedka HirShabeelle, taasoo qeyb ka ah dadaalka lagu ballaarinayo helitaanka adeegyada aqoonsiga qaranka.
Xafladda furitaanka ayaa ka dhacday magaalada Jowhar 19-ka Luulyo 2025, waxaana ka qeyb galay Madaxweynaha HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Gudlaawe), Maareeyaha Guud ee NIRA Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde), wasiirro, xildhibaano, mas’uuliyiin ka tirsan NIRA, iyo wakiillo ka socday bulshada rayidka ah.
NIRA ayaa sheegtay in xafiiskan cusub uu qeyb ka yahay qorshe ballaaran oo lagu doonayo in hay’addu ay adeeggeeda gaarsiiso dhammaan dowlad-goboleedyada dalka. Aqoonsiga Qaranka ayaa la bixin doonaa si bilaash ah.
Madaxweynaha HirShabeelle ayaa ugu baaqay shacabka deegaanka in ay is-diiwaangeliyaan si ay u helaan Kaarka Aqoonsiga Qaranka. Wuxuu yiri: “Aqoonsiga muwaadinimo qaadashadiisa waxa uu laf-dhabar u yahay adeeg walba oo aad u doonaneysaan xafiisyada Dowladda, waxaa lagama maarmaan ah inaad xilli hore qaadataan.”
Maareeyaha Guud ee NIRA, Cabdiweli Timacadde, ayaa sheegay in xarunta cusub ay qeyb ka tahay dadaallada Dowladda Federaalka ay ugu jirto casriyeynta diiwaanka muwaadiniinta iyo bixinta adeegyo ku saleysan aqoonsi sugan oo la isku halleyn karo.
Barnaamijka Aqoonsiga Qaranka oo hoos yimaada Dowladda Federaalka ayaa ujeeddadiisu tahay in la xoojiyo maamul-wanaagga, helitaanka adeegyada dowladda, iyo ka qeybgalka dhaqaale. Sidoo kale waxaa loo arkaa tiir muhiim u ah horumarka dhanka dijitaalka ee dalka.