Friday, June 27, 2025

NISA oo howlgal duqeymo ah ka fulisay Aadan Yabaal

Aadan Yabaal (Dawan ) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in iyada oo kaashaneysa saaxiibada caalamiga ah ay si wadajir ah u fuliyeen howlgal duqeymo ah, laguna beegsaday guri ku yaalla xaafadda Howlwadaag ee degmada Aadan Yabaal.

NISA ayaa sheegtay in howlgalkaasi uu bartilmaameedsaday horjoogayaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku sugnaa gurigaas, iyadoo howlgalka uu dhacay xalay saqdhexe. Gurigan ayaa la sheegay inuu ahaa goob ay ku shiraayeen horjoogayaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Qoraal ka soo baxay NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkaasi uu si guul leh uga dhacay goobtaas, iyada oo gurigaas ka kacay dab xooggan, oo jug culus laga maqlay guud ahaan degmada Aadan Yabaal, taasoo muujinaysa in gurigaasi uu ahaa keyd hubka culus iyo walxaha qarxa.

NISA waxay kaloo sheegtay in faahfaahinta howlgalkaasi ay gadaal kala wadaagi doonaan warbaahinta.

Howlagalaan ayaa qeeb ka ah Howlgallada Ciidamada Soomaaliya, oo iskaashi la leh saaxiibada caalamiga ah, ay ka geestaan degmooyinka iyo goobaha ay Al-Shabaab ku suganyihiin ee ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here