Hiiraan (Dawan) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa ku dhawaaqday in habeenkii Axaddii ay fulisay howlgallo qorsheysan oo lagu bartilmaameedsaday dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa tuulada Buulo-Xoog, hoos timaada Buq-Aqable ee gobolka Hiiraan, iyadoo sheegtay in 7 dagaallameyaal oo Al-Shabaab ah la dilay, lana burburiyay laba gaari oo hubeysan.
NISA waxay sheegtay in howlgalku uu ku saleysnaa daba-gal muddo dheer socday, ayna weerarku dhacay xilliga ay kooxdu ka soo laabanayeen deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan.
“Howlgalku wuxuu ku dhammaaday baabi’inta gawaarida, hubka iyo dagaalyahannada goobta,” ayaa lagu yiri bayaanka rasmiga ah ee NISA.
Hay’addu waxay intaa ku dartay inay haysato muuqaal laga duubay howlgalkan, kaasoo dhawaan ay la wadaagi doonaan shacabka Soomaaliyeed.
In kasta oo hay’addu ay sheegtay guul, haddana xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan khasaaraha iyo burburka ayaa weli maqan.
Howlgalkani waxa uu ku soo beegmay xilli Al-Shabaab ay isbuucii la soo dhaafay la wareegeen Moqokori, oo ah saldhig muhiim u ah madacawisleyda deegaanka guud ahaan gobolka Hiiraan.