Afgooye (Dawan) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa ku dhawaaqday in laba xubnood oo sar-sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab lagu qabtay hawlgal habennimadii Sabdida ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.
War-saxaafadeed rasmi ah oo ay maanta soo saartay NISA, ayaa lagu sheegay in cutubka gaarka ah ee Gaashaan uu qabtay mid kamid ah xubnahaasi oo ahaa horjooge u qaabilsanaa uruurinta lacago baad ah oo kooxdaasi ku qaado dadka shacabka ah, halka xubin labaad uu ka tirsanaa waaxda sirdoonka Al-Shabaab, kaas oo lagu eedeeyay uruurinta xogaha ciidamada ammaanka iyo qorsheynta dilalka la beegsado saraakiisha dowladda.
“Qabashada horjoogahan baadda uruurinayay waxay daba socotaa digniin aan soo saarnay 20-kii Luulyo, taasoo si cad u sheegaysay in bixinta ama qaadashada lacago noocaas ah ay la mid tahay maalgelin argagixiso, isla markaana ay jebineyso sharciga dalka iyo xeerarka caalamiga ah,” ayuu yiri warka kasoo baxay NISA.
Dowladad Soomaaliya ayaa marar badan digniin u diray ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed, iyagoo uga digay in ay bixiyaan lacago lagu taageerayo kooxda Alshabaab.
“NISA waxay mar kale ugu baaqeysaa shacabka Soomaaliyeed in ay si degdeg ah ula soo xiriiraan hay’adaha ammaanka haddii ay la kulmaan cabsi, handadaad ama baad,” ayaa lagu daray warka hay’adda.
Hawlgalka Afgooye ayaa qeyb ka ah olole ballaaran oo dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku burburinayso shabakadaha maaliyadeed iyo kuwa howlgal ee Al-Shabaab ku leeyahay magaalooyinka waaweyn. Mas’uuliyiinta dowladda ayaa ballanqaaday in ay sii wadi doonaan cadaadis ay sheegeen inay saarayaan kooxdaas, si gaar ahna loo xoojiyo badbaadinta shacabka ku nool goobaha nugul.
NISA ma shaacin faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan magacyada xubnaha la qabtay ama haddii howlgalka ay ka qeyb qaateen saaxiibbo caalami ah. Si kastaba ha ahaatee, dowladda Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay sida ay uga go’an tahay “in si buuxda loo ciribtiro khataraha amniga qaranka.”