Thursday, August 7, 2025

NISA ayaa dishay 5 xubnood oo Al-Shabaab ah

Muqdisho (Dawan) — Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in ciidankeeda gaarka ah ee Gaashaan ay Talaadadii fuliyeen howlgal militari oo ka dhacay deegaanka Cumar Beere ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu dilay shan xubnood oo ay ku sheegtay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, islamarkaana lagu burburiyay xarumo ay kooxdaasi ku lahayd halkaasi.

War kasoo baxay barta rasmiga ah ee NISA ee X (horey Twitter) ayaa lagu sheegay in howlgalkaasi uu ahaa mid qorsheysan oo lagu bartilmaameedsaday saldhigyo ay kooxda ku lahaayeen deegaanka.

“Howlgalka gaarka ah waxaa lagu dilay shan dagaalyahan oo ah cadowga, waxaana la burburiyay fariisimo ay ku dhuumaaleysanayeen,” ayaa lagu yiri qoraalka ay NISA soo dhigtay barteeda.

Hay’addu ma bixin sawirro, muuqaallo ama faahfaahin dheeraad ah oo madax-bannaan oo lagu xaqiijinayo sheegashada.

Kooxda Al-Shabaab ayaa weli ku sugan qaybo ka mid ah Shabeellaha Hoose, inkasta oo dowladda federaalka ay waddo howlgallo joogto ah oo ay ka wadaan gobollada dhexe iyo koonfurta dalka, kuwaas oo ay taageero ka helaan ciidamada deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah sida Mareykanka iyo howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here