Wednesday, March 12, 2025

Somaliland iyo SSC-Khaatumo ayaa isku eedeeyay dagaalkii Buqdharkayn

AshaElmi

Buqdharkayn, Sool: Somaliland iyo maamulka SSC-Khaatumo ayaa si adag isugu eedeeyay dagaal shalay ka dhacay deegaanka Buqdharkayn. Labada dhinac midkoodna ma shaacin khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka, balse waxay mid walba eed dusha uga tuurtay dhinaca kale.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay xalay ku sheegtay in maleeshiyaad ka tirsan SSC-Khaatumo ay weerar gaadmo ah ku qaadeen dad rayid ah oo xoolo daaqsin u joogay Buqdharkayn. Somaliland waxay sheegtay in weerarka loo adeegsaday hub culus, iyada oo maleeshiyaadka ay doonayeen in ay dhacaan xoolaha dadka deegaanka.

“Dadka deegaanka waxay iska difaaceen weerarka, iyagoo gaarsiiyay khasaare culus maleeshiyaadka hubaysan,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.

Somaliland ayaa sidoo kale ku eedeysay hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Axmed Firdhiye, in uu ka faa’iideysanayo bisha barakeysan ee Ramadan, isla markaana uu hurinayo colaad sokeeye oo dhiig daadin keeni karta.

Intaa waxaa dheer, Somaliland waxay beesha caalamka iyo dowladaha gobolka ugu baaqday in SSC-Khaatumo loo arko khatar amni, iyadoo ku adkeysatay in aysan aqbali doonin weerarrada gaadmada ah.

Dhanka kale, SSC-Khaatumo ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay shalay ku sheegtay in dagaalkii Buqdharkayn uu ahaa weerar gardarro ah oo ay Somaliland ku soo qaaday deegaan nabdoon.

Wasaaradda Amniga ee SSC-Khaatumo waxay sheegtay in weerarku uu ahaa isku day Somaliland ay ku carqaladeynayso dadaallada nabadda, iyada oo lagu eedeeyey in ay hurinayso fowdo iyo xasilooni darro si ay u gaarto dano siyaasadeed.

“Ma aqbali doono in Somaliland si joogto ah u farageliso amniga deegaannada SSC-Khaatumo,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

SSC-Khaatumo waxay beesha caalamka, hay’adaha xuquuqul insaanka, iyo dalalka nabadda jecel ugu baaqday in ay cambaareeyaan ficillada Somaliland, islamarkaana lagula xisaabtamo gardarrada ka dhanka ah nabadda.

Xiisadda Ka Taagan Buqdharkayn

Deegaanka Buqdharkayn, oo ka tirsan Gobolka Sool, ayaa muddo dheer ka mid ahaa goobaha ay isku hayaan Somaliland iyo SSC-Khaatumo. Colaadda labada dhinac ayaa cirka isku sii shareertay tan iyo markii maamulka SSC-Khaatumo uu si rasmi ah ugu dhawaaqay goonni isu taagga ka dhanka ah Somaliland bishii Febraayo 2023.

Labada dhinac ayaa marar badan isku dhacay, iyadoo dagaallo kala duwan ay ka dhaceen Laascaanood, Goojacadde, iyo dhul kale oo ka tirsan Gobolka Sool.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here