War-saxaafadeed ay Axaddii soo saartay, ONLF waxay sheegtay in dowladda Itoobiya ay ku guuldareysatay inay u hoggaansanto heshiiskii la saxiixay lix sano ka hor si loo soo afjaro colaadda muddada dheer ka jirtay deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.
Jigjiga, Itoobiya: Jabhadda Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya (ONLF) ayaa ku eedeysay dowladda Itoobiya in ay jebisay heshiiskii nabadeed ee 2018, iyada oo sheegtay in xukuumadda Abiy Ahmed ay si nidaamsan u xadgudubtay heshiiskaas islamarkaana ay cabburin ku heyso codadka Soomaaliyeed ee dalkaasi.
Ururku wuxuu tilmaamay in xubnihiisa iyo taageerayaashiisa ay la kulmeen cadaadis iyo takoor siyaasadeed, oo uga yimid maamulka gobolka Soomaalida, kaasoo ay ku tilmaameen inuu yahay fuliyaha siyaasadaha dowladda federaalka Itoobiya ee lagu cabburinayo codadka madax-bannaan ee Soomaalida.
ONLF waxay sheegtay in Itoobiya ay ka hortimid dib u dhexgalka dagaalyahanadii hore ee ururka, diidday sharciyadda ururka, iyada oo ka mamnuucday liiska Komishinka Doorashooyinka Qaranka Itoobiya (NEBE), islamarkaana ay si khaldan ugu adeegsato magaca ururka si ay beesha caalamka ugu qanciso inay wadahadallo la leedahay, halka ay dhab ahaantii cadaadinayso metelaadda dhabta ah ee Soomaalida.
“Beddelkii ay wax ka qaban lahayd sababaha asalka ah ee khilaafka, xukuumaddu waxay dooratay xeelado kala qeybin iyo xukun ah, cadaadis dhaqaale, iyo awood militari,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay ONLF.
Ururku wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Itoobiya inay jebisay wadahadallo dhawaan la qorsheeyay, balse dowladda Itoobiya aysan imaan ballantii. Sidoo kale, madaxweynaha gobolka Soomaalida ayuu ku eedeyey in uu qabtay munaasabad uu si khaldan ugu sheegtay inuu wadahadallo la leeyahay ONLF, halka uu dhab ahaantii magaca ururka si sharci-darro ah ugu isticmaalay si loo qariyo dadaalka xukuumadda ee lagu cabburinayo codadka madax-bannaan ee Soomaalida, sida ay sheegtay ONLF.
“Khiyaanadan ugu dambeysay waxay mar kale caddeyneysaa in xukuumadda Abiy Ahmed ay gebi ahaanba ka weecatay dariiqa nabadda iyo dimuqraadiyadda, una xuubsiibatay xukun kelitalis ah, marin-habaabin iyo cabburin siyaasadeed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ururka.
ONLF waxay sheegtay in aysan mar dambe wadahadallo la yeelan doonin xukuumadda Itoobiya, taasoo ay ku eedeysay inay burburisay hanaankii nabadeed iyo xornimadii siyaasadeed. Ururku wuxuu carabka ku adkeeyay in shacabka Soomaaliyeed, sida qowmiyadaha kale ee la cabburiyo ee Itoobiya, ay xaq u leeyihiin inay mustaqbalkooda ka tashadaan iyaga oo aan lagu khasbin siyaasada dowladda dhexe.