Friday, March 21, 2025

Maxaa ka dhexeeya Kaarka Aqoonsiga Qaranka iyo Doorashooyinka?

Muqdisho, 19 Maarso 2025 – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si cad u beenisay eedeymo ay maamulka Puntland u jeediyey nidaamka diiwaangelinta Kaarka Aqoonsiga Qaranka, iyadoo ku tilmaantay barnaamijkan waajib dowladeed oo ka madax bannaan arrimo siyaasadeed iyo doorashooyin.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa warsaxaafadeed rasmi ah ku sheegtay in Kaarka Aqoonsiga Qaranka uu yahay nidaam loogu talagalay in muwaadiniinta Soomaaliyeed loo siiyo aqoonsi rasmi ah, si ay si fudud ugu helaan adeegyada muhiimka ah ee dowladda.

“Kaarka Aqoonsiga Qaranka waa mid ka duwan Kaarka Codbixinta – Waa aqoonsi qaran, waajib dowladeed oo ku xusan Dastuurka. Waxa uu ka turjumayaa mas’uuliyadda dowladda ee ah in dadweynuhu helaan aqoonsi rasmi ah,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda.

Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in dhammaan arrimaha la xiriira doorashooyinka iyo kaarka codbixinta ay si gaar ah ula xisaabtamaan Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, maadaama aysan ahayn shaqo ku jirta waajibaadka kaarka aqoonsiga qaran.

Sidoo kale, dowladda ayaa sheegtay in wararka baraha bulshada lagu faafinayo ee la xiriira in aqoonsiga qaranku yahay mid siyaasadaysan ay yihiin kuwo khaldan oo bulshada lagu marin habaabinayo, iyadoo ku dhiirrigelisay muwaadiniinta inay ka faa’iideystaan nidaamka casriga ah ee aqoonsiga, kaas oo bilaash ah.

Bayaanka wasaaradda ayaa yimid maalin kadib markii Puntland ay si rasmi ah u sheegtay in aysan ka qeyb qaadan doonin diiwaangelinta Kaarka Aqoonsiga Qaranka, iyadoo ku eedeysay dowladda dhexe in ay nidaamkan u adeegsanayso dano siyaasadeed, iyo in loo adeegsanayo doorashooyin aan heshiis lagu ahayn, taas oo ay uga digtay shacabka ku nool deegaannadeeda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here