Muqdisho, Soomaaliya – Premier Bank ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay ballaarin iyo casriyeyn uu ku sameeyay adeegga dirista iyo helista lacagaha caalamiga ah ee loo yaqaan SWIFT, taasoo ah tallaabo kor u qaadaysa isku xirka maaliyadeed ee Soomaaliya iyo suuqyada caalamka.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu bankigu soo saaray, dhammaan macaamiisha Premier Bank ayaa hadda si toos ah u diri kara una heli kara lacagaha caalamiga ah iyagoo adeegsanaya nidaamka cusub ee SWIFT, iyada oo laga gudbay xaddidaaddii ay laheyd nidaamka hore.
Macaamiisha ayaa hadda awood u leh inay la macaamilaan dhammaan lacagaha ugu waaweyn ee caalamka laga adeegsado sida Doollarka Mareykanka (USD), Yuuro (Euro), Pound-ka (GBP), Yuwan ee Shiinaha (CNY), Dirham (AED), iyo Riyal (SAR).
Nidaamkan cusub ayaa meesha ka saaraya caqabadihii horay u horyimid ganacsatada Soomaaliyeed ee ku hawlanaa dhoofinta iyo soo dejinta, kuwaas oo xaddidaadda lacagaha dhibaato weyn ku qabay.
Abdishakur Afrah, Madaxa Ganacsiga ee Premier Bank, ayaa sheegay in horumarkan uu natiijo u yahay dadaallo sanado badan socday oo lagu doonayay in dalka laga saaro karantiilka dhaqaale islamarkaana uu Soomaaliya si buuxda ugu suurtagelinayo inay si toos ah ula macaamisho nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah.
“Waa waqti cusub oo u baryay nidaamka maaliyadeed ee Soomaaliya. Waxay tani muujinaysaa in aan si dhab ah uga go’an tahay horumarinta adeegyada maaliyadeed iyo kobcinta ganacsiga gudaha,” ayuu yiri Afrah.
Premier Bank oo ah bangi ganacsi oo leh rukhsad rasmi ah, kana howlgala guud ahaan Geeska Afrika, ayaa caan ku ah adeegyadiisa casriga ah, hal-abuurka joogtada ah iyo daneynta macmiisha. Bankigu wuxuu door muuqda ka ciyaaraa horumarinta nidaamka maaliyadeed ee dalka iyo kobcinta dhaqaalaha, isaga oo siinaya bulshada adeegyo la jaanqaadaya baahiyahooda.