by Abukar Osman
MOGADISHO, Abriil 19, 2025 – Ciidamada Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa dilay ku dhowaad 50 dagaallamayaal oo ka tirsan kooxda Daacishta Soomaaliya, kadib markii ay hawlgalo ka fuliyeen Togga Miiraale 24-kii saacadood ee la soo dhaafay.
Sida lagu sheegay Wasaaradda Difaaca Puntland, ciidamada ayaa sidoo kale qabsaday hub badan, sahay, iyo agab kale oo ciidan ah inta lagu guda jiray weerarka, kaas oo ka dhacay aag istiraatijiyadeed oo muddo dheer loo arkey mid ay kooxda ku sugneed. Hawlgalku weli wuxuu ka socda qaybo ka mid ah Togga Miiraale, iyadoo ciidamada ay sii howlkalka ka dhanka ah xubnaha Daacish ee halkaas ku sugnaa.Dowlad goboleedka Puntland ayaa xaqiijisay in hawlgalku uu weli socdo.
Howlgalkan ayaa qayb ka ah wejiga saddexaad ee dagaalka Puntland kula jirto kooxda Daacish, waxaana la filayaa in dhowaan la bilaabo wejiga afraad oo lagu damacsan yahay in si buuxda looga saaro kooxdaas deegaanada ay kaga suganyihiin buuraleyda gobolka.