Boosaaso, Soomaaliya – Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay in ciidamadooda la dagaalanka argagixisada ay howlgal ballaaran ka fuliyeen Togga Miraale ee gobolka Bari, halkaas oo ay ku dileen dagaallamayaal ka tirsan kooxda Daacish (ISIS), kuwaas oo ku dhuumanayay godad dhagax ah.
Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay shalay Ciidanka Ka Hortagga Argagixisada Puntland ayaa lagu sheegay in howlgalkaasi uu sababay dhimashada xubno ka tirsan kooxda Daacish, isla markaana ciidamadu ay si buuxda ula wareegeen goobo muhiim ah oo ay ku dhuumaaleysanayeen.
“Ciidamada Ka Hortagga Argagixisada Puntland ayaa maanta fuliyay howlgal ku yaal dooxada Miraale, iyagoo dilay argagixisada Daacish ee ku dhuumanaysay aaggaas isla markaana ka saaray godadooda,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Ilo amni ayaa xaqiijiyay in howlgalka uu isugu jiray dhul iyo duqeyn cirka ah, inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin dalalka bixiyay taageerada cirka. Si kastaba ha ahaatee, waxaa la ogyahay in Imaaraadka Carabta iyo Mareykanka ay yihiin saaxiibo dhow oo Puntland kala shaqeeya la dagaalanka kooxaha xagjirka ah.
Howlgalkan ayaa qayb ka ah wejiga saddexaad ee dagaalka Puntland kula jirto kooxda Daacish, waxaana la filayaa in dhowaan la bilaabo wejiga afraad oo lagu damacsan yahay in si buuxda looga saaro kooxdaas deegaanada ay kaga suganyihiin buuraleyda gobolka.