Saturday, July 26, 2025

Puntland oo iska fogeysay eedeynta Federaalka ee buracdbadeednimada

Garoowe(Dawan)– Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ka jawaabay eedeynta ka timid Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, oo ku saabsan in Puntland ay afduubtay markabka MV Sea World, iyadoo ku tilmaantay eedeymahaas kuwo aan sax ahayn oo aan sal lahayn.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Puntland xalay ayaa lagu sheegay in 18kii Luulyo 2025, Ciidanka Badda Puntland (PMPF) ay qabteen markabka MV Sea World kadib markii uu muddo laba maalmood ah ku sugnaa xeebaha Bareda ee gobolka Ras Asayr.

Puntland ayaa sheegtay in ay u tageen markabka si ay u xaqiijiyaan xogta sirta ah ee ku saabsan dhaq-dhaqaaqyadii shaki-galayay ee markabkaas, iyada oo sheegtay in ciidanku gacanta ku dhigeen markabka iyo alaabta ku jirta si looga hortago in ay ku dhacdo gacanta kooxo aan mudneyn.

Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in isla maalinkii markabka la qabtay, ganacsatada Soomaaliyeed oo Muqdisho ah ay la xiriireen, iyagoo sheegtay inay leeyihiin alaabta markabka ku saaran, waxayna codsadeen in markabka si degdeg ah loo sii daayo sida ay puntland sheegtay. Sidoo kale, Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa wargaliyay Puntland in alaabta markabka ay tahay mid ay leedahay dowladda Turkiga.

“Puntland ayaa go’aansatay in markabka MV Sea World loo soo dejiyo Dekedda Boosaaso si baaritaan dheeri ah loogu sameeyo,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Puntland ayaa sidoo kale tilmaantay in tan iyo 18kii Luulyo ilaa 23kii Luulyo 2025, Dowladda Federaalka aysan la soo xiriirin Puntland ama arrinta markabka ku saabsan, taas oo keentay jahwareer iyo su’aalo ku saabsan milkiilaha alaabta markabka ku jirta.

Puntland waxa ay sidoo kale sheegtay in markabka MV Sea World uu kaliya siddo qalab milateri, oo aysan jirin wax alaab ganacsi ah.

Puntland ayaa xustay in baaritaanka markabka iyo lahaanshaha saxda ah ee shixnadaha saaran uu socdo. “Puntland waxay si buuxda uga go’an tahay in qalabka milateriga aysan gacanta ugu galin kooxo ama cid aan la oggolaanin, taasoo khatar gelin karta amniga iyo xasiloonida Soomaaliya,” ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Puntland waxay sheegtay in ay ku soo dhaweyneyso wada-shaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowladda Turkiga ee ku aaddan dhammeystirka baaritaanka iyo xaqiijinta milkiilaha saxda ah ee alaabta markabka MV Sea World.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here