Thursday, June 26, 2025

Puntland iyo Jubbaland oo dowladda ku eedeeyey ku takrifalka kaalmada

GAROWE (Dawan ) – Dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa si wadajir ah ugu eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay si siyaasadaysan u maamusho kaalmada beesha caalamka, iyagoo sheegay in taasi dhaawac weyn u geysanayso nidaamka federaalka iyo wada shaqeynta hay’adaha dowladeed.

War-murtiyeed laga soo saaray shir madaxeed ka dhacay magaalada Garowe intii u dhaxaysay 23–25ka Juun, ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka ay adeegsatay kaalmooyinka caalamiga ah sidii hub siyaasadeed, si loo wiiqo madax-bannaanida dowlad-goboleedyada.

In kasta oo ay horey u jireen eedeymo noocan ah, haddana tani waa markii ugu horreysay ee Puntland iyo Jubbaland si wadajir ah oo rasmi ah ugu dhawaaqaan in nidaamka qeybinta kaalmada caalamiga ah uu yahay mid aan sinnaan ku dhisneyn.

eedaan ayaa daba socta kadib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay in 24 mashruuc oo beesha caalamku u qorsheysay Puntland, ay maamulka Puntland oggolaadeen oo kaliya 7 ka mid ah, inta kalana aysan oggolaan ama dib u dhigeen. Puntland kama aysan bixin faallo rasmi ah, balse eedaan  waxay muujinaysaa heerka hoose ee kalsoonida siyaasadeed ee ka dhaxeeya labada dhinac.

Puntland iyo Jubbaland waxay ugu baaqeen beesha caalamka in ay si degdeg ah dib u eegis ugu sameeyaan habka ay kaalmada u maareeyaan, iyagoo soo jeediyay in deeq bixiyeyaasha si toos ah ula macaamilaan dowlad-goboleedyada — ugu yaraan inta laga gaarayo heshiis dhammeystiran oo ku saabsan qaybsiga khayraadka iyo awoodaha.

Qayb ballaaran oo ka mid ah kaalmada beesha caalamka ee Soomaaliya waxa ay ku soo dhacdaa gacanta Dowladda Federaalka — gaar ahaan noocyada lagu magacaabo kab miisaaniyadeedka ama kuwa lagu maamulo multi-donor trust funds.

Kaalmooyankaasi waxaa ay si toos ah u soo martaa Wasaaradda Maaliyadda, waxaana lagu daraa miisaaniyadda qaranka, iyadoo lagu sii marsiiyo wasaarado iyo hay’ado federaal ah. Inkasta oo nidaamkani loogu talagalay in uu hagaajiyo hufnaanta iyo qorsheynta, haddana dowlad-goboleedyada waxay ku eedeeyaan Dowladda Dhexe in ay si gaar ah u adeegsato, una adeegsato cadaadis siyaasadeed oo ka dhan ah maamullada madax-bannaan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here