Thursday, April 24, 2025

Puntland oo ka digtay middeynta diiwaangelinta barakacayaasha iyo NIRA

Garoowe, Soomaaliya – Dowlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya ayaa si cad u diiday isku-day kasta oo lagu mideynayo diiwaangelinta dadka barakacayaasha ah (IDPs) iyo nidaamka diiwaangelinta iyo aqoonsiga ee heerka Federaalka Soomaaliya, iyagoo ku tilmaamay arrintaasi mid halis gelinaysa qaab-dhismeedka Federaalka iyo mabaadi’da gargaarka bini’aadantinimo.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka Puntland ayaa lagu sheegay in wada-hadalladii u dambeeyay ee dhexmaray Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) iyo Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka (NIRA) ay ahaayeen kuwo baalmarsan awoodaha Dastuuriga ah ee dowlad-goboleedyada, gaar ahaan Puntland oo sheegtay in ay si gaar ah u leedahay mas’uuliyadda diiwaangelinta dadka ku sugan dhulkeeda.

“Puntland waxay si cad u diiday isku-day kasta oo lagu siyaasadeeyo gargaarka bini’aadantinimo iyo isku-dubbaridka kaalmada,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda, iyadoo lagu xusay in qorshayaashan ay dhaawacayaan kalsoonida iyo wax-ku-oolnimada hay’adaha maxalliga ah.

Puntland waxay uga digtay hay’adaha gargaarka iyo beesha caalamka in aysan qayb ka noqon qorshayaal wax u dhimaya mabda’a samafalka iyo kala sarreynta dowladnimada.

Walaaca Puntland ayaa yimid kadib markii NIRA ay 22-kii Abriil ka sheegtay Madasha Arrimaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya in nidaamka Aqoonsiga Qaranka uu lagama maarmaan u yahay mideynta dadaallada gargaarka, taasoo Puntland ay ku tilmaantay “isku-day lagu baabi’inayo awoodaha dastuuriga ah ee dowlad-goboleedyada.”

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here