Thursday, April 17, 2025

Puntland oo sameyneysa aqoonsi dadweyne ka Madax Bannaan Soomaaliya

Garoowe, Puntland – Dowlad Goboleedka Puntland ayaa si rasmi ah u qaaday tallaabadii ugu horreysay ee lagu dhisayo nidaam aqoonsi dadweyne oo u gaar ah, kaddib markii Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, uu Arbacadii saxiixay Xeer Madaxweyne oo lagu dhisayo Hay’adda Aqoonsiga Dadweynaha Puntland (PID).

War rasmi ah oo kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in xeerkan uu dhaqan galayo isla marka uu Madaxweynuhu saxiixo, taas oo uu sameeyay maanta. Hay’addan cusub ayaa noqon doonta tan mas’uulka ka ah samaynta kaarka aqoonsiga Puntland, si buuxda uga madax bannaan nidaamka ay bixiso Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee dowladda Federaalka Soomaaliya (NIRA).

“Markii la tixgeliyay soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, Madaxweynaha Puntland wuxuu xeeriyey in la dhiso Hay’adda Aqoonsiga Dadweynaha Puntland (PID),” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Puntland ayaa horey u diiday hirgelinta nidaamka NIRA ee dowladda dhexe, iyadoo ku eedeysay in lagu adeegsanayo ujeedooyin siyaasadeed iyo doorashooyin aan heshiis laga gaarin. Maamulka Puntland wuxuu marar badan uga digay shacabka in aysan ka qeyb qaadan nidaamka aqoonsiga ee dowladda dhexe.

18-kii Maarso, Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland waxay si rasmi ah u shaacisay qorshaha sameynta Kaarka Aqoonsiga Puntland, iyadoo ku tilmaantay beddelka nidaamka dowladda dhexe.

Tallaabadan ayaa imanaysa laba maalmood kadib markii Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu sheegay in qof aan haysan kaarka NIRA uusan heli doonin adeegyada dowladda iyo kuwa gaarka ah. Arrintan ayaa sii hurin karta khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Puntland iyo dowladda Federaalka, taas oo oo salka ku haysa muranka ka taagan dastuurka iyo doorashooyinka dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here