Boosaaso (Dawan) – Dowlad Goboleedka Puntland ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay in ciidamadooda amniga badda ay gacanta ku dhigeen markab siday hub, kaas oo kusoo ay sheegene inuu u soo gabaad doontay xeebta Bareeda ee gobolka Bari, kadib markii ay la kulmay dabaylo xooggan oo badda ka jiray.
Qirashada Puntland ayaa timid kadib markii Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, uu qoraal kusoo daabacay bartiisa Facebook, isagoo sheegay in markabku haatan amnigiisa la sugay, baaritaanna lagu wado.
“Markab hubsida oo Dabaylaha badda ka dhacaya kaga soo gabaday xeebta Bareeda ee Puntland ayaa ciidanka ammaanka Puntland qabteen, amnigiisana waa la sugayaa. Waa la baadhayaa, wixii kasoo kordha warbaahinta waanu la wadaagi doonnaa,” ayuu yiri Wasiir Dirir.
Sida laga soo xigtay ilo-wareedyo amni, markabka ayaa la sheegay in uu la kulmay cilad farsamo xilli uu ku socday biyaha Soomaaliya, taas oo sababtay inuu ku hakado xeebaha Puntland. Sawirro iyo muuqaallo laga qaaday ayaa muujinaya gaadiid dagaal oo ku xardhan calanka Turkiga, taasoo dhaliyay hadal hayn badan oo ku saabsan halka uu markabku u socday.
Mas’uul magaciisa in la qariyo codsaday ayaa horay Dawan ugu xaqiijiyay in hubkaasi uu yahay mid dowladeed, balse saarnaa markab ganacsi oo gaar loo leeyahay. Hase yeeshee, faahfaahin ka baxsan arrintaas—oo la xiriirta sababta loogu raray markab ganacsi iyo ciddii loogu talagalay—kama aysan bixin Dowladda Turkiga iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.