Garoowe (Dawan) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdi Faarax Juxa, ayaa ku dhawaaqay in Puntland ay si rasmi ah ugu darsatay $1,000 maalgelinta Biyo-xireenka Itoobiya (Grand Ethiopian Renaissance Dam – GERD).
Juxa, oo ka hadlayay Munaasabadda dabaaldegga furitaanka biyo xireenka Itoobiya oo Garoowe ka dhacday, ayaa sheegay in biyo-xireenkan uu tusaale u yahay waxa Afrika qabsan karto, isagoo xusay in mashruucu wax weyn ka tari doono dhaqaalaha iyo horumarka Itoobiya iyo guud ahaan qaaradda Afrika.
Isagoo hadalkiisa sii wata, Wasiirku wuxuu shaaciyay inuu $1,000, ku darsaday maalgashiga biya xireenka, taas oo uu ku tilmaamay astaan ku wajahan in dadku ay si wadajir ah mustaqbalka uga qeyb qaataan maalgashiyada waaweyn.
“Waxaan bogaadineynaa biyo-xireenka ay Itoobiya dhistay dhowaan la daah furi doono. Waa arrin weyn oo tusaale u ah waxa Afrika qabsan karto. Waxaan rajeynaynaa in koronto qiimo jaban ah ay na soo gaarto, waana mashruuc mudan in la taageero, anigu waxaa gatay 1,000 doolar share ah” ayuu yiri Wasiir Juxa.
Biyo-xireenka GERD, oo qiimaha lagu dhisay lagu sheegay in ka badan $4 bilyan, ayaa noqonaya midkkii ugu waynaa ee Itoobiya laga fuliyo, iyadoo la filayo inuu soo saaro tamar koronto oo ka faa’iideysan karaan Itoobiya iyo dalalka dariska ah.
Puntland waxay noqotay dowlad-goboleedkii ugu horreeyay ee ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo si cad u shaacisa in ay maalgashi ku darsatay biyo-xireenka Itoobiya.