Sunday, May 25, 2025

Puntland Oo Bilowday Ololaha Tallaalka Jadeecada, Dabaysha Iyo Oof-wareenka

Garoowe,Soomaaliya — Puntland ayaa 24 May 2025 si rasmi ah u bilowday olole tallaal oo ballaaran oo isku dhafan, kaas oo laga hortago cudarada  jadeecada, dabaysha, oof-wareenka, iyo laba cudur oo kale oo carruurta halis ku haya.

Ololahaan ayaa laga fulin doonaa dhammaan sagaalka gobol ee Puntland, waxaana la filayaa in tallaalka la gaarsiiyo in ka badan 650,000 oo carruur ah oo da’oodu ka hooseyso shan sano.

Ololahaan ayaa sida ay sheegtay Puntland waxaa iska kaashaday Wasaaradda Caafimaadka Puntland, UNICEF, iyo WHO.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa si rasmi ah u furay ololaha tallaalka xaflad ka dhacday Garoowe. Waxa uu adkeeyay muhiimadda cilmiga caafimaadka oo ay weheliyaan qiyamka Diinta Islaamka, isaga oo tilmaamay in tallaalku yahay habka ugu waxtarka badan ee lagu xoojin karo difaaca jidhka carruurta laguna ka hortagi karo cudurrada halista ah ee gobolka sida jadeecada, dabaysha, iyo oof-wareenka.

“Waxaan waalidiinta ku boorinayaa inay u fududeeyaan shaqaalaha tallaalka si carruurtoodu uga badbaadaan cudurrada loogana hortago,” ayuu yiri Lugatoor.

Wasaaradda Caafimaadka Pumtland aya sheegaty in iyada oo iskaashanaysa hay’adaha UNICEF iyo Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), ay ku hawlan tahay in ku dhawaad 2,000 oo xirfadleyaal caafimaad ah ay tallaalka gaarsiiyaan xarumaha caafimaadka iyo sidoo kalana booqato guryaha si loo hubiyo in carruurta oo dhan la tallaalo.

Ololaha tallaalka isku dhafka ah ayaa socon doona laga bilaabo 24-ka ilaa 28-da May 2025, isagoo ah tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo caafimaadka guud ee Puntland.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here