Saturday, April 12, 2025
Array

Puntland oo 24-saac u qabatay inay dadka ka fogaadaan goobaha Daacish

Puntland, Soomaaliya – Xafiiska Warfaafinta ee Hawlgallada Ciribtirka Argagixisada Puntland ayaa ka digtay in dadka reer guuraaga ah ee ku nool buuralayda Calmiskaad ay si degdeg ah uga fogaadaan deegaannada u dhow dhulka ay ka socdaan hawlgallada iyo duqeymaha waaweyn ee ka dhanka ah kooxda Daacish.

Xafiiska ayaa sidoo kale sheegay in firxadka Daacish ee ka cararaya hawlgallada cirka iyo dhulka ay isku dayayaan inay ku dhuuntaan dadka shacabka ah ee reer guuraaga ah, taasoo keentay in si gaar ah looga digtoonaado in dadka deegaanka ay isku dhex milmaan. Digniintan ayaa la soo saaray 11-ka Abriil, iyadoo la sheegay in dadka deegaankaas lagu wargeliyay inay 24-saac gudahood isaga fogaadaan dhulka hawlgalka ka socda iyo meelaha ay kooxdu u carari karto.

“Waxaa laga rabaa dadkeenna reer guuraaga ah in ay ka fogaadaan dhulkaasi hawlgalada ka socdaan (24-saac gudahood),” ayaa lagu yiri qoraalka Xafiiska Warfaafinta.

Digniintan ayaa la xiriirta qorshayaasha lagu bilaabayo duqeymaha waaweyn ee kooxda Daacish ee ku dhuumalaysanaysa buuralayda Calmiskaad. Xafiiska ayaa sidoo kale sheegay in wajiga saddexaad ee hawlgallada lagu ciribtirayo kooxda Daacish uu marayo meel gebogebo ah.

Puntland waxay u baaqday dhammaan bulshada deegaanka inay ka fogaadaan goobaha hawlgalada ka socda, iyadoo la rajeynayo in tallaabadani ay gacan ka geysan doonto joojinta weerarada kooxda iyo badbaadinta dadka rayidka ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here