Sunday, September 8, 2024

Puntland oo mamnuucday dhismaha taawarada Isgaarsiinta

Garoowe (Dawan)- Amar kasoo baxay Wasaaradda Deegaanka, Daaga, iyo Isbedelka Cimilada ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa lagu joojiyay ilaa amar dambe dhismaha cusub ee taawarada Isgaarsiinta.

“Wasaaraddu waxay amraysaa in dhammaan shirkadaha isgaarsiinta ay si degdeg ah u joojiyaan dhisidda taawarada isgarsiinta cusub ee xaafadaha iyo bannaanka magaalooyinka ilaa laga hubiyo in dhismaha taawarada cusub aysan waxyeello u gaysan deegaanka iyo bulshada” ayaa lagu yiri; war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Deegaanka ee Puntland.

Wasaaradda ayaa sheegtay in ay sii kordhayaan cabashada uga imaaneysa dadweynaha ee la xiriirta dhismooyinka taawarada isgaarsiinta, kuwaas oo laga dhisay xaafadaha dhaxdooda iyada oo aan la sameynin sahmin la xiriirta dhibaatada ay ku yeelan karaan deegaanka iyo dadka.

War-saxaafadeedka Wasaaradda ayaa lagu yiri; “Cabashada ugu badan waa halista shucaaca electromagnet-ga ah, buuqa matoorada iyo dabaysha oo keenta dhibaato caafimaad iyo bilic xumada magaalada”

Wassaradda ayaa sidoo kale fartay shirkadaha isgarsiinta in ay raacaan habraacyada sharci ee deegaanka, isla markaasna ay howigeliyaan khuburu madax-bannaan oo soo diyaarisa daraasadaha sahminta saameynta deegaanka iyo bulshada uga imaan kara taawarada isgaarsiinta.

Guud ahaan Soomaaliya ayaa dagaal kula jirta waxyaabaha dhibaatada ku ah deegaanka, waxaana hore loo mamnuucay ka ganacsiga bacaha halka mar la isticmaalo, soo dajintooda iyo in lagu farsameeyo gudaha dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here