Wednesday, April 30, 2025

Puntland iyo Somaliland oo isku weedaarsaday Maxaabiis 26 ah.

Hargeysa/Boosaaso – Dowlad goboleedka Puntland ee Soomaaliya iyo Somaliland ayaa maanta si rasmi ah isugu wareejiyay maxaabiis dagaal oo ay ku kala qabsadeen dagaalkii gobolka Sool ee dhacay sanadkii 2023.

Wadarta guud ee maxaabiista la isweydaarsaday ayaa gaaraya 26 qof, iyadoo Puntland ay wareejisay 15 maxbuus halka Somaliland-na ay celisay 11 maxbuus.

Wasiirka Caddaaladda Puntland, Maxamed Cabdiwahaab Axmed, ayaa sheegay in is-weydaarsigan uu yahay tallaabo wanaagsan oo dhinaca bani’aadanimada iyo nabadgalyada loo qaaday, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in wiilal Soomaaliyeed oo laba sano xabsi ku jiray ay dib ula midoobaan eheladooda.

“Waa wax lagu farxo in wiilal Soomaaliyeed oo laba sano xabsi ku jirey ay maanta dib u helaan xorriyadoodii, lana midoobaan qoysaskoodii iyo eheladooda,” ayuu yiri Wasiirka.

Maxaabiistan ayaa lagu kala qabtay dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo oo taageero ka helayay Puntland. Dagaalkaasi wuxuu sababay dhimasho iyo barakac ballaaran, gaar ahaan gobolka Sool.

Wasaaradda Caddaaladda Somaliland ayaa qoraal rasmi ah ku sheegtay in sii deynta maxaabiista ay salka ku hayso go’aan siyaasadeed oo ka yimid Madaxweynaha Somaliland, kaas oo lagu doonayo xoojinta nabadda, isu-socodka bulshada, iyo ganacsiga gobollada bari.

“Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay mar walba diyaar u tahay, siyaasaddeedana saldhig u ah, nabad kula noolaanshaha dalalka deriska ah, oo Soomaaliya ay ka mid tahay, gaar ahaan Dawlad-goboleedka Puntland ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Isweydaarsiga maxa abiistaan aayaa imaaneysa iyadoo SSC-Khaatumo dhowaan si shuruud la’aan ah ugu sii daysay Somaliland 25 maxbuus dagaal ah, taas oo ka dambeysay booqashadii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre uu ku tagay magaalada Laascaanood

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here